Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha dibedda DF iyo dhigiisa Anniken Huitfeldt? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Anniken Huitfeldt.

“Waxaan kulan muhiim ah magaalada Oslo kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda  ee dalka Norway H.E Anniken Huitfeldt” ayuu yiri Wasiir Huruse oo qoraal kooban ku baahiyey baraha bulshada

Kulanka ayay labada Wasiir uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan.

“Waxaan ka wada hadalnay  xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii aan kor ugu qaadi lahayn wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan” ayuu yiri Wasiirka.

Dowlada Somalia iyo Norwey ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtimo iyo iskaashi, iyadoo Norwey ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageero arrimo badan oo ay ka mid yihiin, dhaqaalaha amniga, dowlad wanaaga iyo Horumarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -